DAAWO:- Puntland oo ka digtay Waxyeelo kadhalata Roobabka ka curtay Gobolka Bari “Gaadiidka kama bixi karaan Boosaaso ilaa khatarta dhamaanayso”.

Taliyaha Qaybta Boliska Gobolka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa ka hadlay Roobabkii saacadihii lasoo dhaafay ka da’ay deegaano katirsan Gobolka Bari.

Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa sheegay in roobabka ay ka da’een meelo badan oo kamid ah Gobolka Balse Roobkii ka Curtay Boosaaso uu ahaa Mid balaaran oo aan muddo sanooyin ah curan, waxaana uu baaq udiray shacabka ku nool Magaalada.

Taliyaha ayaa ka digay in gaadiidka ay sameeyaan safaro ay uga baxayaan Msagaalada isla markaana loo baahan yahay in aan lagu degdegin safarada inta ay ka yaraanayaan Roobabka.

Dhinaca kale Taliyaha ayaa ka hadlay Digniinihii ay soo saareen qolyaha saadaashada Hawada ee ahaa in maalmaha soo socda ay deegaano katirsan Xeebaha Puntland ku dhufan Doonaan Duufaano, waxaana uu sheegay in khatarihii duufaanahaasi laga filayay ay yaraadeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here