DAAWO VIDEO DEG DEG:Dowlada Faderalka oo Shir jaraa’id Qabatay Una Jawaabtey Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Dowlada Faderalka Soomaaliya Ayaa Goordhow Qabatay ,Shir Jaraa’id oo Ay Kaga Jawaabaysey eedaynti Madaxweynahii Hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo Hanjabaad U Diray Dowlada Saacadahii lasoo Dhaafay,

Wasiirka Warfaafinta Dowlada Faderalka Soomaaliya Maxamed xayir maareeye oo Shir jaraa’id Qabtay Ayaa Dowlada u hadlay,Wuxuu Sheegay Inay Dowlada Faderalka La Yaaban tahay hadalka Kasoo Baxay Madaxweynaha Hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Waxaa uu Sheegay Wasiirka Warfaafinta Dowlada Faderalka Soomaaliya Maxamed xayir maareeye  Inuu Masuulka saaran yahay qofka Astaanta Qaranka usoo Noqday Ilaalinta Iyo Dhowrida Nabada Iyo Ilaalinta Qaranimada Soomaaliyeed.

Halkani Hoose Video Ka Daawo

____________________________________________________

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

7 Comments

  1. Sheikh Shariif,macallin dugsi qur’aan ayuu Sharad ku lahaa,qaarbaa ka waalay oo madaxweyne 17 million oo qof oo Soomaali ah madaxweyne uga dhigay,17 carruur ah in uu dugsi qur’aan ku maamulo ayey ahayd,alshabaab isaga ayaa abuuray.

  2. Hadey Xanaqan Siyasinta Belaha Hawiye wa wax lagu kalifay,shalay waxii ka dhacay garronka Diyaradaha muqdisho waad ogeydeen ayamo sii horeyey sidas oo kale aya lola dhaqmay,hadey furka tuuraan oo Dawladan Nacsata ah kuqamaamaan soo maqabato? umamad masulintoda sidas lola dhaqmo.

    • Jubalander

      Kkkkk Dacaayada aad ku wiiqday Madaxweynihii hore ee Somaaliya waan ku qosley. Waa sidey dad badan oo Farmaajo indho la’aan ku taageeraa yidhaahdaan iyagoo dacaayad ama sumco dari uga dhigaya. Kkkk

      Hadaba ka waran maanta ka dalka heystaa inuu yahay mid uu isla macalin quraankaasi soo shaac bixiyay oo isagoo lix bilood oo Keli looxa heystay isku maleeyay inuu macalinkiisii badali karo. Kkkkk

      Hadaba hadii Sheekh Shariif ay ahaan laheyd inuu macalin quraankiisii ku noqdo, Farmaajona waxa ku waajibaya inuu looxiisii dib u qaato oo ardaynimaduu ka saaqiday ku noqdo. Kkkkkk

  3. Waa war saxaafadeed wareersan. Hadii madaxdii hore iney nabada dhowraan waajib ku noqotay, kuwa imika joogaana maaney aheyn iney iyadu astaanta nabada ee ugu horeysay noqdaan?

    Farmaajo iyo Kheyrena falal xun xun ayay ku kacayaan, oo xitaa Madaxdii dalka soo martey ayay kolba tacadi kula kacayaan, marka xiniinyo rageed la tusona wey cabaadayaan.

    Sheekh Shariif dhaarey, yidhina Ethiobia iyo Alshabaaba waanu raacdeysaney, Idina idinkoo dhabtayada ku fadhiya ayaad rabtaa inaad nagu amar ku taagleysaan oo sidaad rabtaan naga yeedhaan. Waxaasi wax soconaya ma’ahan.

    Ana waxaan leeyahay yaaba is gaadheyba. Hawiye waa libaax jiifa. Intii laga warwareegi lahaa iska daaye, kuwani Sanka ayayba ka juqajuqeynayaan. Hadaba kiciseene ka girto midhaha. ‘Ama afeef hore lahow Ama adkeysi danbo lahow’.

  4. ASC.
    Madaxdii hore ee beelaha USC wax wanaaga laguma soo arag.Shariif iyo Xassan Shiikh lix sano bay xamar ka soo ahaayeen madaxdweynayaal ee maxay ka soo qabteen xamar kaliya?Waa waxba oo ayagaa danahooda uga soo muraadsaday.In ay cirid baaraan kuwa hadda viila soomaaliya ku xeraysan ayana waa qalad.Hase ahaatee Ina farmajo iyo Ina Khayre waxba meesha kuma hayaan.Haddii ay wax qabanayaan may marka hore caasumada ka sifeeyaan Shabaab iyo maleeshiyaadka beelaha USc.Ayagoo an xamar gacanta ugu jirin bay u tilaabeen gobaladii dhisnaa in ay dumiyaan.
    Ina Farmaajo wixii laga filayey iyo wax u dhawtoona ma hayo.Kuwa u dhaaranaya way ka sii liitaan oo waxay hadda la qaylinayaan waa danahooda ee ma aha dano soomaaliweeyn.

  5. Atoore

    Waa runtaa oo waa isma dhaanto iyo dhasheedii. Kuwii horeba wax weyn oo dhumuc leh maysan qaban, kuwanina Weyna sii kala daadiyeen wixii yaraa ee ay qabteen kuwii ka horeeyay.

    Laakiinse hadii la’is barbardhigo Xasan Sheek ama Qoskaaye ama Garguurte kolba kaad u yaqaano ayaa ugu roonaa. Isagu xitaa markuu kula dagaalamo haduu kaa guuleysan waayo wuu kula heshiin jirey. Siyaasad kale ayuu abaari jirey. Sida Farmaajo oo kale cunaha iskama kaa mari jirin. Farmaajo isagu waa doqon dagaal bartey. Xafiiltanba ma yaqaano. Ma garan karo in kolna landiriro kolna la heshiin karo. Xoolaha ayaaba intaas yaqaana oo Markey kala adkaadaan iska heshiiya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*