DAAWO VIDEO DEG DEG:Sheekh Shariif oo Xaqiijiyey Kulanka Mucaaradka Iyo Madaxweyne Farmaajo Sacadaha Soo Aadan.

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ay kulan xasaasi ah ku yeeshaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynayaashii hore ee Sheekh Shariif & Xasan Sheekh.

Kulanka ayaa waxaa looga hadli doonaa khilaafka Madasha Xisbiyada Qaran iyo Xukuumada,Doorashada soo socota oo Xubnaha mucaaradka saluug ka muujiyeen,iyada oo ay ka qeyb-geli doonaan Ergo ka kala socta labada dhinac oo ay kala hogaminaayan Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyniyaashii hore.

Sanoter Ilyaas Cali Xasan oo kamid ah Madasha Xisbiyada Qaran ayaa sheegay in kulanka uu dhici doono saacadaha soo socda,isla markaana lagu jiro diyaar garoowgii ugu dambeeyey.

Halkani Riix Video Kulanka Mucaaradka Iyo Farmaajo

Dhowr saacdood kadib waxaa Xarunta Madaxtooyada VillaSomalia kulan looga hadlaayo khilaafka Madasha Xisbiyada Qaran iyo Xukuumada kuyeelan doona Ergo ka kala socta labada dhinac oo ay kala hogaminaayan Madaxweyne Farmajo iyo Madaxweyniyaashii hore oo kala ah Shariif Sh. Ahmed iyo Hassan Sh. Mohamud ayuu yiri” Sanoter Ilyaas.

Habeeno ka hor waxaa jiray kulan dhex-maray ergo ka socotay Madasha xisbiyada oo uu hoggaamnayey Xildhibaan Axmed Macalin fiqi uyo Taliyaha NISA Fahad Yaasiin,kulankaas oo gogol xaar u ahaa kulanka Maanta.

Khilaafka u dhaxeeya Madasha Xisbiyada Qaran ayaa waxaa uu ka dhashay xayiraad mudo koban aheyd oo dhawaan la saaray Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya,xilli ay ku wajahnaayeen Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

____________________________________________________

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*