
Faysal Cali Waraabe oo Mudo Ka Maqnaa Soomaliland Ayaa Dib Ugu Soo laabtay Wuxuuna Siweyn Uga Dayriyey Inay Soomaliland Xiligani Aduunka Ka Jeestey Doorashada Muuse Biixi Kadib,waxaana uu Ku Dhawaaqay Inaysan hada Kadib hadal Ku Koobnayn ee Talaabo Qaadayaan Soomaliland Lagu bad baadinayo.
Hogaamiyaha UCID Faysal Cali Waraabe Ayaa Sheegay Axadii Inay Ahayd maalin Madow oo Sharciga Lagu Tuntay Kadib Meel Marintii Xubnaha Komishinka Maamulka Soomaliland,Wuxuu Sheegay Inuu Muuse Biixi Xoog Kumeel Mariyey Xubnahaasi oo Xisbiyada Soomaliland Diidanaayeen.
Halkani Riix Video Faysal waraabe
“Aafo Ayaa Dhacday Soomaliland Sidani lagu Sii eegan Maayo,Hadii Sidan Lagu Sii Eegto waa Bur Burkeena,Aduunka Xataa Wuu kasii Jeestey Soomaliland Xiligani “Ayuu Yiri Hogaamiyaha UCID Faysal Cali Waraabe .
“Muuse Biixi Sharcigii Ayuu Isagu Ku Tumanayaa Mar kastana waan Tanaasulnaa,lakiin tani Waa Midii uu Ku Dhiman Lahaa,Aduunkii Gaal Iyo Muslimba Waa Inaga Geestey “Ayuu Yiri Faysal Waraabe.
Hogaamiyaha UCID Faysal Cali Waraabe Ayaa Sheegay Inay Bilaabayaan Wada Tashi Hadii Muuse Biixi Jawaab Lagu Qanci waayo Ay Ka Heli wayaana waxay Qaadayaan Sidii Soomaliland Cusub Loo Dhisi Lahaa.
____________________________________________________
Be the first to comment