DAAWO:Axmed Karaash & Faroole oo garab istaagay Dhoobo, Qorshaha Denni & Wararkii ugu dambeeyey

Iyadoo weli ay sii xoogaysanayaan xiisadaha u dhaxeeya madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi iyo gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland C/xakiin Maxamed Axmed Dhoobo Daareed oo gudaha magaalada Garowe kawado abaabulo xoogan oo mid walbaaba kan kale ku wajahayo ayaa waxaa haatan kusii biiray xiisadaha u dhaxeeya labada masuul madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole oo xiligani ah xildhibaan ka tirsan Aqalka sare ee dalka iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash).

Madaxweyne Denni ayaa damacsan sidii uu daaqada uga saari lahaa gudoomiye Dhoobo, waxaana xaalku uu yahay haatan mid culus oo aan la saadaalin karin.

HALKAN RIIX OO KA DAAWO MUUQAALKA

C/raxmaan Faroole oo khudbad ka jeediyey kal-fadhigii 45-aad ee 26 bishii hore Baarlamaanka uga furmay xarunta Baarlamaanka Puntland ee Garowe ayaa si cad u sheegay in uusan siyaasad ahaan la dhacsanayn shakhsiyaadka ugu dhow madaxweynaha oo uu sheegay in ay qayb ka yihiin dhismaha xukuumaddiisa loona baahan yahay waa sida uu hadalka u dhigaye in dalka laga qabto shakhsiyaadkaasi oo uusan magacaabin xildhibaan Faroole.

Axmed Karaash oo xalka dhismaha iyo wada jirka Puntland u arka in khilaafkasta lagu dhameeyo wada hadal ayaa madaxweynaha kula dar daarmay in uu in gaar ah ku eego xaalada Puntland, walowse uu iska indha tiray hadana waxaa xiligani Faroole iyo Axmed Karaash ay xal u arkaan garab istaagida Dhoobo oo mid walbaaba ku qabo aragti ahaan marka laga yimaado dano isaga gaar u ah oo hadii la waayo Dhoobo mid walbaaba uu la kulmi karo fashil.

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*