DEGDEG: Almaas Elman Cali Axmed oo lagu dilay Gudaha xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in gudaha xerada Xalane ee AMISOM ay maamusho lagu dilay Almaas Elman Cali Axmed oo ah gabar uu dhalay Elman Cali Axmed.

Waxaa la sheegay inay rasaas haleeshay xilli ay ku sugneyd xeradda Xalane, iyadoo aan faahfaahin laga bixin halka ay ka timid rasaasta iyo cidda ka danbeysay, waxaana loola cararray isbitaalka AMISOM ee Xalane, halkaasoo la sheegay inay ku geeriyootay.

Almaas Elman Cali Axmed ayaa hore u soo noqotay safaaradda Soomaalida ee dalka Kenya, waxayna ka mid tahay gabdhaha uu dhalay Elman Cali Axmed, iyadoo la dhalatay Ilwaad Cali Axmed oo UN-ka la shaqeynaya, madaxna ka ah ahay’adda Elman Peace.

____________________________________________________

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*