Deni Iyo Dhoobo Ayaa Sharciga Jabiyey W/Q:Axmed

Meeshan waxa ka socdaa Ra’iisal Baarlamaanku ama Dawlada uu Madaxweynuhu gadhwadeenka ka yahay ha ka amar qaato ama xoog ayaa loo adeegsanayaa.

Dawlad hadaad maqasho waa jumlad. Jumladaas oo ay tahay hadana faracyo ayay kala leedahay. Sadex farac ayaana ugu muuq dheer. Kuwaas oo kala ah; GarSoorka oo ah maxkamadihii, Sharci dejintii oo ah Baarlamaankii ama hal aqal ha ahaado amaba Labo haka koobnaadee iyo Fulintii oo ah Dawlada dhexe.

Dawlada iyada waxa loo igmaday fulinta wixii la sharciyeeyay ee dhaqan galay. Fulintaas oo ay iyadu iskugu horeysiineyso si ay tusaale ugu noqoto intey sharciyada ku hogaamiso.

Sadexdaas gole mid walba xadbuu leeyahay iyo waajibaad u gaar ah. Weyna isku dheeli Tiran yihiin. Midna ka kale kuma xad gudbi karo. Sharci kala xadeeya ayaa jira had iyo jeerba.

Anigu Dhoobo Daareed iyo Deni makala jecli. Labaduba dhanbay iskaga key jiraan. Laakiinse Deni ayaa arintan masuuliyadeeda leh. Dhoobo meel uu inqilaab fulay ama fashilmay ku dejiyay lamana arag lamana sheegin. Dagaal muu qaadin. Baarlamaan ma xidhan. Wax cad oo lagu hayaa ma Jiro. Deni se, weerarka iasaga ayaa qaadey. Isagaa wax laayay. Isagaana jagada ka tuuray Dhoobo Daareed. 24 saacadood gudahood weliba. Taasaa inqilaab la yidhaa.

Dawlad wax inqilaabtey oo danbigey gashey cidey ka gashey ku nabeysa tan horteed lama arag. Farmaajo ayaaba dhaama oo khalad iyo sax wuxuu kharbudo aanan ka hadlin.  Ama isagu haku weeraro ama cid kale hakuusoo diree ama qalbi dhagax ha dhiibee afkiisa ayuu iska heystaa oo qam ka siiyaa. Deni iyo Aarajaanse danbigoodii ayay cid kale ku masabidayaan. Waa halkii abwaan dhiiranee jaamacadii indho cadeyska ayay ka soo baxeen.

Anagu waxaasoo kale waxaanu ugu yeedhnaa ‘Waali Cas’.

W/Q: Axmed Akhristayaasha Fikradooda

____________________________________________________

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*