Kenya Iyo Soomaaliya oo Isku Jawaabey Xili Heshiis Dhex Maray

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa faah-faahin ka bixiyey kulankii ay maanta magaalada Nairobi ku yeesheen madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Cawad oo wareysi siiyey VOA ayaa ku adkeystay in la isku raacay in labada dal ay xiriir wanaagsan yeeshaan, oo kiiska maxkamadda ICJ uusan wax saameyn ah ku yeelan.

“horta aniga dhigeed baan ahay, Soomaalida waxey u jeceshay inay Wasiirka kale maqasho, Wasiirka dalkeedana u maqli waayaan waa Su’aalo u baahan in nafteenu fiirino, Gabadha Wasiir weeye, Anigana wasiir baan ahay, waxaan kuu sheegayaa waxyaabihii lagu wada hadlay, waxaan kaloo kuu sheegay in Madaxweynayaasha oo Wasiirada ka muhiimsan oo iyagu madaxda ugu sareeya dalalkaas ah oo codadkooda duubnan yahay” ayuu yiri Wasiir Cawad.

Axmed Ciise Cawad ayaa dhinaca kale ka meer maaray inuu si toos ah uga Jawaabo su’aal ku saabsaneyd in laga heshiiyay dacwadii dhawaan Xukuumada Muqdisho ay ka gudbisay Kenya ee la xiriirtay Doorashadii ka dhacday magaalada Kismaayo oo mas’uuliyiin Kenyan ay jabiyeen xanibaadii dhinaca duulimaadyada toos ahaa ee Kismaayo.

Dood ayaa ka dhalatay heshiis galabta ay kula saxiixdeen Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya.

Labo Warsaxafadeed oo kasoo kala baxay Madaxtooyadda Kenya iyo tan Soomaaliya ayaa dhaliyay dood qabsatay baraha bulshadda taasoo ku aadaneyd dacwadda badda ee labada dal.

Dooda ayaa timid ka dib markii hadal aysan shaacin Madaxtooyadda Soomaaliya ay shaacisay Madaxtooyadda Dowladda Kenya taasoo si rasmi ah u xaqiijisay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu muujiyay Kalsoonida uu ku qabo Dacwadda badda ee taalla Maxkamada ICJ lagu xaliyo qaab wada ogol ah oo ah habkii ay horay dowladda Kenya u Codsatay.

____________________________________________________

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

3 Comments

  1. Qofkii xoolo daajiya agagaarka seeraha la mamnuucay daaqiddiisa, waxaa looga yaabaa in xoolihiisa ku fakadaan seeraha oo ay daaqaan.
    كَالرَّاعِي يَرْعَى حَوْلَ الْحِمَى يُوشِكُ أَنْ يَرْتَعَ فِيهِ.
    Farmaajo wuxuu ag daaqayaa seerihii xadiiskan lagu mamnuucay.
    Kenya waxaysan marnaba raalli ka noqoneyn in dawada badda lagu dhammeeyo Maxkamadda Caalamiga ee Caddaaladda (Internationla Court of Justice). Farmaajana waxaa laga saxiixay, afkiisana uu ku qirtay, in dacwadaas laga yeelayo si’ ay labada dal raalli ka yihiin oo aan waxyeelin xiriirka labada dal. Taasi hal micne uun bay yeelan kartaa: waa dacwadii oo laga soo celiyo Maxkamadda ICJ ee Hague.

  2. ASC.
    Ina farmaajo kuma dhaco in uu bixiyo badda iyo dhulka soomaaliweeyn hal TAAKO.Haddii uu saas yeelana deg deg buu u heli doonaa jawaabteeda.War kenya horaa nalaga siiyey dhul weeyn iyo dad badan oo soomaaliyeed.Haddii ay run tahay in uu Ina farmaajo kenya wax u ogal yahay kolba waxaa la hor keeni doonaa golaha baarlamaanka soomaaliya wayna diidi doonaan Insha Allaah.Markaasna isagaa la casili doonaa.

  3. Abdulqadir Tallman inta ninkaa odoga ah ee Atoore uu kuu sharaxay ma fahantay mise weli hadal mooryaan malagii galay ayaad dabada heyneysaa 3 sanno ayaa kuugu dhamaatay sidaad website walba waxaa iyo wax ka liita ula taagnayd goormaad ku waana qaadaneysaan adiga iyo Ahmed SNM dawladaan habaar iyo caay waxba looga qaadi waayaye.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*