Maleeshiyaad katirsan Beesha Habargedir oo xasuuq arxan darro ah ka geystay Degmada Kaxda…

Wararka ka imanaya degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubeysan ay fidkii hore ee xalay halkaasi ku toogteen dad Shacab ahaa oo fadhiyay Maqaaxi lagu Caweeyo, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Sida wararku sheegayaan, Saddex qof ayaa halkaasi ku geeriyootay, halka ay ku dhaawacmeen Shan qof oo kale, waxaana weerarkan geystay rag ku hubeysan qori AK-47 ah oo watay gaari yar oo nooca raaxada ah.

Ehelada dadka xalay la dilay qaarkood ayaa sheegay iney falkan ay tuhunsan yihiin in loogu aar gudayey oday habeen kahor lagu dilay degmadaas, sidoo kalena lagu dhaawacay wiil uu dhalay iyo Haweeney kale.

Ciidamada amaanka ayaa daqiiqado kadib gaaray goobta uu weerarkan ka dhacay, iyagoo halkaasi ka sameeyay howlgalo baaritaana ah, Inkastoo aaney jirin wax natiija ah oo ka soo baxday falkan dadka Shacabka ahaa lagu laayay.

Degmada Kaxda oo kamid ah degmooyinka ugu nabdoon Caasimadda ayaa todobaadyadii u danbeysay galeysa waji cusub, iyadoo ay soo badanayaan weerarada salka ku haya aanooyinka qabiilka, mana jirto wax talaabo ah oo ay arintan ku baajinayaan maamulka degmada Kaxda.

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*