Musharax madaxwayne Galmudug oo deeq gaarsiiyay dadka ku waxyeeloobay fatahaada Webiga Baladwayne.

Deeqdaan oo loogu talogalay in ka badan 500 oo qoys ayaa isugu jirtay cunto, maro-kaneecooyin iyo agab kale.

Magaalooyinka Dhuusamareeb, Matabaan iyo Guriceel ayaa si gaar ah looga soo uruuriyey deeqda oo la gaarsiiyey magaaladda Beledwayne.

Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor], murashax u taagan xilka madaxtinimadda Galmudug ayaa bixiyey xadiga ugu badan ee tabarucaadan.

Gudoomiyaha Guddiga Gurmadka Qaran ee Galmudug, Yuusuf Xasan Ciyow, ayaa u mahadnaqay dadka deeqdaan ay timid.

Si gaar ah wuxuu ugu mahadceliyay Qoor-qoor, kaasoo uu sheegay in uu bedel wanaagsan ka siiyo halka uu ka bixiyey lacagtaas.

Kaalmadan ayaa waxay kaabeysaa mid kale oo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay maanta ka dejisay xarunta gobolka Hiiraan.

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*