Puntland:- Deegaano Horleh oo laga baqayo inay ku dhuftaan Dufaano ayaa waxaa ka curtay Roobab Dabaylo wata.

Iyadoo ay jirtay cabsi laga qabo in duufaanno ay ku dhuftaan Gobolka Nugaalka iyo qaybo ka tirsan Soomaaliland, ayaa waxa ay roobab ka bilowdeen qaybo katirsan Gobolka Nugaal, Bari.

Meelaha ay sida xun roobabku uga da’een ayaa waxaa ka mid ah Baar-Gaal,Gumbac,Caluula,Bandar-Bayla,Eyl,Qandala,Xaafuun,Ceel-Gaal, Karin iyo qaar kale.

Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa ay sheegeen in roobku uu aad u xoog badnaa,hase yeeshee uusan jirin wax dabayl ah oo uu watay iyo cid uu saameeyay, balse uu aad u biyo dhigay.

Waxa ay sidoo kale sheegeen meelaha qaar ee roobabku ka da’een uusan muddo sanado ah wax roob ah ka da’in.

Hay’adda Saadaasha Hawada iyo Puntland ayaa horay uga digay dadka ka ag dhaw meelaha taagagga ah iyo xeebaha eek u teedsan Badda Cas iyo Badweynta Hindiya in ay isaga fogaadaan, cabsi laga qabo duufaanno ay sheegeen in ay ku soo wajahan tahay .

Majiro roobabkaasi ka dib wax war ah oo ka soobaxay Hay’adda Saadaasha Hawada  oo ku aadan Duufaanta ay sheegeen in ay meelo badan saameyn doonto.

-----------------------------------------------------

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*