S/land oo hadal culus kasoo saartay sargaal Muhiim u ahaa oo Puntland usoo goostay (Aqriso)

Kadib markii maalintii Axada ahayd magaalada Garowe ee caasimada Puntland uu gaadhay xeer ilaaliyihii maxkamadda sare ee ciidamada maamulka Somaliland Gaashaanle Dhexe Sahal Faarax Raage oo sheegay in uu u soo goostay dhanka Puntland ayaa waxaa goosashada sarkaalkani ka hadlay qaar kamid ah saraakiisha ciidamada Somaliland.

Masuuliyiin u hadlay maxkamadda sare ee ciidamada maamulka Somaliland ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay goosashada Gaashaanle Dhexe Sahal Faarax Raage, iyagoona sheegay in uusan gaadhin Mr. Raage xilkaasi isla markaasna uu dhankooda u soo gudbiyey cabashooyin la xidhiidha dhanka noloshiisa iyo caqabado ku aadan dhanka aqoontiisa oo ay sheegeen in ay u ogoleen xal u helida arimahaasi.

Waxa ay sheegeen in uusan gaadhin darajada uu sheegay Raage balse loo diiwaan galiyey kamid ahaan shaha shaqaalaha maxkamadda uuna u goostay dhanka Puntland isagoo ku facay khiyaano qaran waa sida ay sheegeene.

____________________________________________________

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*