SAWIRO:- Dowladda Somlia oo howlahheeda maamul usamaynta kasii wada Galmudug xilli Ahlusunna wali ay qorsheyaal maleegeyso.

Guddoomiyaha iyo Xubnaha kale ee guddiga farsamada maamul dhisidda Galmudug ayaa maanta kormeeray Xarunta Shiirkole ee la dejinayo odayaasha Galmudug si loo billaabo soo xulidda xildhibaannada baarlamaanka labaad ee Galmudug.

Guddoomiyaha guddiga farsamada maamul u dhisidda Galmudug ee ay Magacaawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa kormeerka ka dib ka warbixiyay howlaha horyaala guddiga iyo sida ay u wajahayaan soo xulista Baarlamaanka maamulka Galmudug.

Cabdinaasir Geelle Cilmi ayaa sheegay in ay geli doonaan howsha qeybta labaad oo ah xareynta Odayaasha,isaga oo u mahad celiyey Ciidamada sugaya Amniga Magaalada dhuusamareeb, iyada oo lagu guda jiro diyaarinta dhismaha Galmudug loo dhan yahay.

Dowladda Faderaalka Soomaaliya ayuu sheegay in ay dadaal badan ku bixinay dhismaha Maamulka Galmudug, ayna ugu mahadcelinayaan doorkoodka garab istaaga ee wada hadalada,dib u heshiinta beelaha Maamulka Galmudug.

“Waa wax lagu farxo in reer Galmudug Fahmaan qiimaha Maamulka iyo Dowladnimada” ayuu hadlkiisa raaciyay Mar uu ka hadlaayay dadejinta Dhismaha Maamulka Galmudug ee Bartamaha Soomaaliya.

Cabdinaasir Geelle Cilmi Gudoomiyaha Guddiga Farsamada Dhismaha Maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay maalmaha soo socda ay xaraynayaan Odayaasha dhaqanka beelaha Maamulka Galmudug oo haatan howlihiisu ay ka socdaan Magaalada Dhuusamareeb.

Magaaladda Dhuusamareeb ee Caasimada Maamulka Galmudug ayaa waxaa ku wada sugan labo Guddi Doorasho oo ay kala magacaabeen Dowlada Soomaaliya iyo Madaxa Xukumada Galmudug Sheekh Sheekir, inkastoo Masuuliyiinta Ahlusunna ay sheegeen in ay arintaas wada hadal uu ugula socdo Dowlada Soomaaliya.

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*