Taliye African ah oo socdaal qarsoodi ah ku yimid Muqdisho iyo dad uu la qaatay kulamo.

Taliyaha Ciidamada Dhulka ee dalka Uganda Jeneraal Peter Elwelu ayaa booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho,waxaana uu la kulmay saraakiisha Ciidamada Uganda ee ku jira AMISOM.

kulanka oo ka dhacay Xerada Ciidamada Uganda ee Muqdisho ayaa waxaa uu Taliye Peter Elwelu kala hadlay Saraakiisha in ay ilaaliyaan dhaqanka degaannada ay ka howlgalayaan, sidoo kalena dhowraan xirfaddooda.

Peter Elwelu, ayaa sidoo kale saraakiisha uu la kulmay gaarsiiyay salaan uu ka siday Madaxweyne Yuweri Museveni,waxaana uu u sheegay in Madaxweynaha uu bogaadiyay shaqadooda Soomaaliya.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in howsha Ciidanka Uganda ee Soomaaliya ay sumcad u tahay dalka Uganda iyo guud ahaan Qaaradda Afrika.

Taliyaha ayaa uga digay Saraakiisha in ay si qaab daran u gutaan shaqadooda isaga oo sheegay in sarkaalkii lagu arko dhaqan xumo uusan ka mid ahayn UPDF, loona baahanyahay in wax laga qabto.

Isha:www.pmldaily.com

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*