Taliyihii Nabad Sugida Gobolka Mudug ee Puntland oo Caawa la dilay

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo Ee Gobolka Mudug waxa ay sheegayaan in Woqooyiga Magaalada Gaalkacyo Dhanka Puntland Caawa lagu Dilay Taliyihii Nabadsugida iyo Sirdoonka Gobolka Mudug ee Dhanka Puntland.

taliyaha ladilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Korneyl Xaashi Aaden Cilmi waxaana toogtay kooxo Bistoolado ku hubaysnaa xilli uu ku sugnaa Xaafad lagu Magacaabo Suuq Barwaaqo oo ku taalla Waqooyiga Gaalkacyo,iyaga oo goobta ka baxsaday.
Dilka kadib waxaa goobta soo gaaray Ciidamada Amaanka Maamulka Puntland waxaana ay saameeyeen baaritaano kala duwan mana jirto cid ay usoo qabteen Dilka Taliyaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here