Villa Somlia oo War kasoo saartay kulanka Dhexmaraya Farmaajo iyo Madaxweynayaashii hore ee Dalka

War kasoo Baxay Villa Somalia ayaa waxaa looga hadlay kulan lagu wado in uu dhexmaro Madaxdii hore ee Dalka iyo Madaxweyne Farmaajo  bayaan ka soo baxay Villa Somalia ayaa waxaa lagu sheegay in ajandaha manta inta badan Diirada lagu saari doono uu yahay Doorshooyinka Dalka ka dhacaya Marka lagaaro 2021.

Kulanka waxa kasoo baxaya ayaa waxa  uu yahay mid aad loo wada  sugayo waxaana Dadku inta badan Maanta aad u hadal hayaan kulanka Villa Somalia ka dhacaya.

“Kulanka maanta ay yeelanayaan Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweyneyaashii hore Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Mudane Xasan Sheekh ajandihiisa ugu muhiimsan waa arrimaha doorashooyinka 2020 iyo sidii ay Xukuumadda ugala shaqeyn lahaayeen in hannaan doorasho oo hufan oo qof iyo cod ah ay dalka ka dhacdo, awooddana dib loogu celiyo shacabka Soomaaliyeed si ay u doortaan madax iyo xildhibaanno iyaga si toos ah wakiil uga ah”a ayuu yiri Agaasime Cabdinuur.

____________________________________________________

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*