Wararkii ugu dambeeyay ee Xaaladda Hargeysa Saaka

Dadaallo lagu xalinaayo Khilaafka ka dhex taagan Madaxtooyadda Somaliland iyo xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani ayaa si xowli ah uga socda Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland.

Madax hore , Odayaal iyo Culimadda Somaliland ayaa u u istaagay in wax laga qabto banaanbaxyadda uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani Cabdiraxmaan Ciro oo sababtay in la xiro Mas’uuliyiin ka tirsanaa xisbiga.

Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa maanta ku guuleystay in ay soo afjaraan Xiisadii ka taagneyd Magaalada Hargeysa.

Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa maanta hakiyey isu soo baxii ay shalay ugu baaqeen taageerayashooda ka dib markii ay xalay xubno ergo ah oo iskood isu xilqaamay u kala dabqaadeen Xisbiga iyo Xukuumadda Somaliland.

Xubnahan ayaa isku dayaya in xal laga gaaro xiisaddii maalmahan ka taagneyd Somaliland eek a dhalatay dibad-baxa ay qorsheynayaan Waddi iyo diidmada xukuumadda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here