Xildhibaan Fiqi oo Fariin culus udiray Xeer-ilaaliyaha cusub ee Shalay lamagacaabay

Xildhibaan Axmad Macalin Fiqi oo Kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaalia kana tirsan Xildhibaanada Aad u dhaliila Siyaasada Qalafsan ee Farmaajo ayaa waxa uu fariin udiray Xeerilaaliyaha Cusub ee Shalay uu Magacaabay Maxamad Cabdulaahi Farmaajo waxa uu kula dardaarmay in uu si hufan oo eex la`aan ah Shacabka ugu shaqeeyo kana madax banaanaado Siyaasadaha is diidan ee Daka kajira.

Waxaan soo dhowaynayaa xeer ilaaliyaha cusub ee xilkaas weyn loo magacaabay shalay Md. Sulaymaan Maxamed, aqoon badan uma lihi balse xilka loo magacaabay ayaan aqaanaa iyo qaabkii siyaasadaysnaa ee xilkaas dano gaar ahaaneed ayadoo laga leeyahey loogu shaqaysan jirey uuna u fududeyn jirey ninkii asaga uga horeeyey.” Ayuu yiri Fiqi oo hadalkaan soo dhigay Boggiisa xiriirka Bulshada.

“Waxaan xeer Ilaaliyaha cusub kula dardaarmayaa inuu xilkaas iyo waajibaadkiisaba u guto sida sharciga dalku qabo, oo aan laga dhigan aalad lagu shaqaysto ama lagu fushado dano siyaasadeed oo gurracan, asagoo ka tusaale qaadanaya in maalin un uu ka tagi doono, markaasoo xumaanta iyo gabood fallada uu ku kaco ay hortiisa ka muuqan doonaan, ayadoo sumacaddiisii iyo karaamadii uu umadda ku dhex lahaana ayadoo dhaawacan uu ka huleeli doono xafiiskaas.”

Isbedelka lagu sameeyay Xafiiska Xeer illaaliyaha guud ee Qaranka ayuu ku tilmaamay Xildhibaan Fiqi tallaabo horay loo qaaday.

“Waa tallaabo horey loo qaaday in xafiiskii xeer ilaaliyaha guud isbedel lagu sameeyey, anigoo rajaynaya in guud ahaanba garsoorka dalku uu u baahan yahay dib u habeyn iyo isbedel la taaban karo, kaasoo u suurtaglin karta hey’addaas mid hawlaheeda u gudata si ka madax-banaan hey’adda fulinta ee dawladda oo ah mid la siman garsoorka. “

-----------------------------------------------------

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*