XOG:- Maxay tahay Sababta uu Muuse Biixi uu eryay wakiilkiisi UK “Sawirkii ay la gashay nin ka nixiyay Biixi oo…”

Wakiilkii Somaliland ee Ingiriiska Marwo Ayaan Maxamuud, waxa xilka laga qaaday Laba iyo toban saacadood kaddib markii ay barteeda Facebook iyo Twitter soo dhigtay sawir ay kula jirto guddoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbiga Waddani Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde.

Ayaan waxay Cabdiqaadir Jirde ku sifaysay Xaaji Cabdiwaraabaha labaad ee Somaliland iyo qof ay ku jeceshahay in uu danta dalka iyo dadka ka horaysiiyo danihiisa.

Kamaal Axmed Cali guddoomiyaha Wargeyska Geeska Afrika oo arrintan faallo kooban kaga bixiya bartiisa Facebook ayaa ishaaray in ay labadan dhacdo xidhiidh ka dhexeeyo oo sawirkaasi galaaftay Ayaan

Amb Ayaan ku mashquulsanayd dadaallo lagu midaynayay bulshada Somaliland ee Qurbaha muxaafad iyo mucaaradba si xanafta looga dhex saaro waana sababta dad badan ula yaabban yihiin xil ka qaadisteeda..

HOOS KA EEG SAWIRKA

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*