XOG XASAASI:Gudoomiye Dhoobo oo Wada Maamul Sool,Sanaag Iyo cayn oo Madaxweyne Ka Noqdo Muqdishona Kusii Jeeda.

Gudoomiyaha Xilka Laga Qaaday Puntland Dhoobo dareed Ayaa Wada Olole Xoogan oo Puntland Ku Niyad Jabinayo,waxaana Kulamo maal mahani Gobolka sanaag uu Usoo Jeedinayaa Sanaag Inay Aqbalaan Khaatumo Iyo maakhir oo laysku Daro.

Wararka Lagu kalsoon yahay Ayaa Sheegaya Inuu Doonayo Inuu Puntland Niyada Uga Jabiyo maamul loo wada Dhiso Sool,Sanaag Iyo cayn,Isagoo Lugtiisa Labaad Muqdisho Olole Siyaasadeed ka bilaabaya,waxaana uu Kula Kulmaya Dowlada Faderalka Iyo Siyaasinta Deeganadaasi kasoo Jeeda oo Qorshahani La wada.

Siyaasin Cali Khaliif ka mid yahay Ayaa Lagu wadaa Inuu Muqdisho Kula Kulmo Isagoo kala hadlayo maamul loowada Dhiso Deegaanadaasi.

Qorshahani Ayaa Tageero Hoose ka Helaya Dowlada Faderalka Soomaaliya Sida Marqaannews Loo Xaqiijiyey,Waxayna Dowlada Faderalka Doonaysa Maamul Ka Baxsan Puntland In Deeganaadaasi loo Helo,taasi oo Noqon karta Mida Kaliya oo Cadaadiska Puntland Mar kasta Ka Hor imaanaya.

Dhoobo oo Wali ka Tanaasulin Inuu yahay Gudoomiyaha Sharciga ee Barlamaanka Puntland waxaa uu Doonayaa Inuu Qorshahani Dhowr Jeer lagu Guul Daraystey uu Ka Guul Gaadho.

Marqaannews

____________________________________________________

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

5 Comments

  1. kkk dadka ma shaley dhashen nin warsangali ah baa sool saanaag ina harti dagto cayen inta harti dagto madaxweyen ka noqanyaa dee ha na walain warsangli waa dad nabadeed wali sida dhulbahntey iyo isaaq dhiigooda siyaasad umaeyso cabin siyaasda ciyarta ka daaya lakin wan sugaya farmajo innuu somalialnd dhul ka mid ah soofara gasho waxuu ka faaido yanu isaaq wax ka siin waan hubaa xamar somalinimo ku joogi mayo laascadod casimid ha u noqto kolka ailey waa qabiil waxuu wadaaaye

  2. Kkkkkkk
    Wakaas ninkii Dhoobo caad ka saarnaa
    Weli waxaan ahay gudoomiye waa waali
    Ku soo korodhay Dhoobo wac bdn hurdadu
    Waa kugu yaraan, safiirkaaga iska doono
    Waxba soo Kordhin meysid dadka reer Maakhir
    Waa yaqaanin waxaad thy waxay yihiina waa
    Is yaqaanan waa aasaasayaashii puntland
    Waana hogaamiyaasha Dhulka Uduga

  3. ASC.
    KU:Saxafi 21.
    1.Marka hore macquul uma dhawa in ay warsangeli iyo dhulbahante maamul wadaagaan.Sababtoo ah maba aha dad isku dhaqan iyo hindiso ah.Mana aha dad isku si wax u arka.Mana aha dad isku sabir iyo dulqaad ah.Haddiise ay israacayaan oo ay ku heshiinayaan kama xumi.
    2.Niyad jabka puntlaan.
    Puntlaan oo ad ka wadid majeerteen iyo inta la deegaana waxba uga baaqan mahayaan haddii ay si gaara isu xulufaystaan labada reer ee ad sheegtay.Sababtoo ah haddeerba dhulbahante wax la geeyo ma ahee nacfi kama yimaado kamana imaan jirin.Dhulbahante kama qayb galo difaaca puntlaan looga hor joogo Mooryaanta xamar laga soo diro.Laakiin warsangeli yes oo ay ka qeyb qaateen dagaaladii u dambeeyey ee uu soo qaaday Xassan Shiikh.Waayahaas warsangeli waxay ka dagaalamayeen galbeedka magaalada gaalkacyo darsi lama ilaawaana bay siiyeen Mooryaantii.Markaas dhulbahante waxay ka sheekaynayeen huteelada garoowe.
    3.Haddii uu Ina farmaajo cid wax tarayo isagu ha istaro.Nin meeshuu dagan yahay waxba ka qaban waayey ma dhulbahantuu dal iyo dawlad u dhisayaa? Jawaabtu waa maya.Waa la ogyahay oo Ina farmaajo iyo inta la xulufo ah waxay u xoog badan yahiin xumaynta reer puntlaan.Maxuuse Ina farmaajo ka qaadi karaa puntlaan illaa waxaaba ka qaadi waayey Xassan Shiikh oo Ina farmajo ka shar iyo dhaqaalo badnaa.
    Calaa kulli xaal waa wax kama jiraan puntlaan baa u dhutinaysa haddii uu dhulbahante maamul u gaara suubsado.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*