AKHRISO:- Ahlusunna oo Aqbashada qodobadii kasoo baxay heshiiskii ay la gashay Dowladda Somalia.

Ahlusunna waljamaaca ayaa aqbashay in 20 xildhibaan laga siiyo baarlamaanka Cusub ee Dowlad Goboleed Galmudug.

War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Madaxa Xukumada Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa lagu cadeeyay in Ahlusunna ay aqbashay in 20 Xildhibaan laga siiyo Golaha shirci dajinta Dowlad Gobeelka Galmudug.

Aqbalaada Ahlusunna ayaa timid ka dib markii Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Ahlu Sunna ayaa heshiis ka gaaray khilaaf la xiriiray doorashada Galmudug oo bilihii la soo dhaafay ka taagnaa degaannada Galmudug.

Halkaan ka aqriso.

Sidoo kale Warqad ka soo baxday Wasaaradda arrimaha gudaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Xukuumadda iyo Ahlu Sunna ku heshiiyeen in Ahlu Sunna Baarlamaanka Galmudug laga siiyo 20 xubnood oo ka mid ah 89 Xildhibaan ee guud ahaan Baarlamaanka.

-----------------------------------------------------

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*