AKHRISO:- Ciidamada PSF ee Puntland oo kahadlay warka kusaabsan in ay Faarujiyeen Furimihii Dagaalka ee ay deganaayeen.

Taliska Ciidanka Xooga Puntland ee loo yaqaan PSF ayaa markii ugu horreysay ka hadlay warar maalmihii dambe la isla dhex marayay oo sheegayay in Ciidamadooda ay soo faarujiyeen furimihii dagaalka ee ay ku sugnaayeen.

“Ciidamada PSF waxay ku sugan yihiin Talisyadooda iyo saldhigyadooda difaaca ee Galgala, Sugure, Bosaso, Garowe iyo Gaalkacyo si ay cadowga uga ilaaliyaan dadkooda iyo dalkooda” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay Bogga Facebook ee Taliska PSF.

“Ciidanka PSF wuxuu had iyo jeer diyaar u yahay la dagaalka kooxaha cadowga ee Al Shabaab iyo Daacish,waanan sii wadi doonnaa dagaallanka cadowga bartilmaameedsanaya shacabkeena Soomaliyeed” ayaa mar kale qoraalka lagu yiri.

Ugu dambeeyay Taliska PSF ayaa baaq udiray shacabka Puntland kaas oo lagu yiri “Fadlan garabsii ciidanka oo noo soo gudbi wixii xog ama warbixin cadow ah e aad haysid adiga oo nagala soo xiriiraya telefoonka 0906595041”.

Qoraalka PSF ayaa imaanaya maalmo kadib markii warbaahinta ay tabiyeen warar kusaabsan in Ciidankaaas ay faarujiyeen furimihii ay kulahaayeen deegaanada qaar ee Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here