Akhriso:- Madaxwaynihii hore ee Galmudug oo difaacay Shacabka KGS “Dadka reer Koofur Galbeed xaq uma laha in lala xiriiriyo qaraxyada ka dhaca Muqdisho”.

Madaxweynihii hore ee Dowlad-Goboleedka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ka hadlay qoraalo kala duwan oo baraha bulshada lagu faafiyay oo ahaa hadalo iyo falcelis ka dhashay hadal uu jeediyay Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen, isagoo xusay in hadaladaas iyo falceliska ay kicin karto caadifadda dadka, waxaana uu ku baaqay in laga foggaado waxyaabaha dhalin kara caadimada oo dadka wadajirkooda dhaawacaya.

Waxaa uu sheegay in dadka reer Galmudug iyo reer Koofur Galbeed ay yihiin dad ehel iyo walaal ah, isagoo ku wargeliyay in dadka Mas’uuliyiinta ay ka shaqeeyaan isu soo dhoweynta shacabka.

Madaxweyne Guuleed ayaa sidoo kale sheegay  in dilkii ka dhacay Magaaladda Gaalkacyo aan lala xariiri Karin Reer Galmudug,ayna ka falceliyeen siyaasiyiinka ka soo jeeda deegaanada Maamulka Galmudug ee bartamaha Soomaaliya.

Waxa uu sidoo kale ka digay in dadka ka soo jeeda Goboladda Bay iyo Bakool lagu tilmaamo in ay yihiin Al shabaab.

Halkan hoose ka akhriso qoraalka C/kariin Guuleed:-

Waxaan ku arkayey baraha bulshada labadii maalmood ee la soo dhaafay hadalo iyo falcelis ka dhashay hadal uu jeediyey madane Cabdicasiis Laftagareen madaxweynaha Koofur Galbeed, hadadaas iyo falcelisyadaas oo aad moodo inay kicin karto caadifadda dadka, beerina karaan kala fogaasho dadka walaalaha ah ee reer Galmudug iyo Koofur Galbeed.

Haddaba waxaan is leeyahay inaan dhamaanteen ka fogaano hadalada ciifadda leh oo dadkanaga wadajirkooda iyo walaaltinimadooda dhaawacaya waxna u dhibaya.

Waxaa hubaal ah in dadka reer Galmudug guud ahaan iyo dadka reer Gaalkacyo aysan talo iyo tashi intaba ku dilin kuna xasuuqin dad reer Koofur Galbeed ah, markii ay dhacdadii Gaalkacyo dhacdana dhamaantood ay ka dhiidhiyeen kana gilgisheen, ayagoo intii ay karaanna ka samafalay kana garaabay falkaas xun ee ay geesteen dadka wax ma garadka ah.

Dhanka kale dadka reer Koofur Galbeedna xaq ma aha in lala xiriiriyo falalka argagaxiso iyo qaraxyo ee muqdisho iyo soomaali inteeda kalaba ka dhacaya, kuwaas oo ay hubaal tahay in dad badan oo reer Koofur Galbeed ah ay ugu horeeyaan inta wax ku noqota, dhibaataduna ka soo gaarto.

Haddaba waxaa haboon in dadka masuuliinta ah ay ka shaqeeyaan wax dadkeena isku soo dhaweynaya, xoojinayana wadajirkooda, iskaashigooda iyo midnimadooda intaba, haddii uu qof inaga mid ah uu war ka dhacana fasiraadda loo wanaajiyo.

Waxaan xiriiro la sameeyay masuuliintii kala duwaneyd ee ay arintani khuseysay, si xaaladda loo dajiyo, waana ku mahadsan yihiin sida ay arinka iila garteen.

Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen oo markii uu arkay in hadalkiisii si kale loo fahmay ciifadna uu kiciyey, fasiraad iyo jawaab kale ka bixiyey, taas oo ah wax masuuliyadda iyo maqaamka uu jooggo ay fareyso.

 

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com