Akhriso:- Wararkii ugu dambeeyay ee Roobab Harqiyay Magaalooyin badan oo katirsan Puntland.

Wararka laga helayo degaannada dhaca xeebaha Maamul Goboleedka Puntland ayaa sheegaya in Roob dabeyl xoog leh wata uu ka da’ayo degaannadaas islamarkaana uu sababay khasaare kala duwan.

Inkasta oo ilaa hadda aan wax khasaare nafeed ah la soo warin haddana Roobka oo ay la socoto Dabeyl xoog leh ayaa ka da’aya Garowe, Boosaaso, Bareeda, Eyl, Garacad iyo inta badan Magaalooyinka ku teedsan Badda Cas iyo Badweynta Hindiya.

Isgaarsiinta Magaalooyin ay ka mid tahay EYL ayaa maqan iyada oo aan la ogaan karin xaaladda ay ku suganyihiin dadka ku nool degaannadaas oo maalmihii la soo dhaafay loo dirayay digniin arrintan la xiriirta.

Inta badan Tuulooyinka dhaca Xeebaha ayaa la sheegayaa in xoolo ku noolaa uu Daad qaaday, sidoo kale Doomo kalluumeysi oo Xeebta Badda yaallay la tagtay dabeysha.

Magaalada Garowe Roobka ka billowday xalay 11:00 Habeennimo ayaa ka da’aya ilaa saaka, halka Boosaaso ay sidoo kale tahay.

Magaalada Boosaaso Wadada ku xirta Garowe ayaa waxaa uu Daad qaaday Saddex ka mid ah Gaadiidka waaweyn ee isaga kala goosha Waddadaas,waxaana laga badbaadiyay dadkii la socday.

Gurmad lagu badbaadinayo Gaadiidka uu Daadka qaaday ayaa ka socda halkaas iyada oo Maamulka Gobolka Bari uu ku dhawaaqay in la joojiyay isu socodkii Garowe iyo Boosaaso Roobka iyo daadka dartood.

-----------------------------------------------------

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*