XOG CULUS:AMB Cabdixakim Camey oo Soomaliland Hadalka Ku Dhajiyey Adis Sababa Shirka Maamul u samaynta Sool,Sanaag Iyo Cayn

Safiirka Dalka Soomaaliya ee dalka Itoobiya Cabdixakim xaaji cabdulahi cumar camey Ayaa Adis Sababa Kawada Olole Xoogan oo Soomaliland Kaga Qeylisiyey,Waxaana halkaasi Siweyn Uga Socda Shirarka Maamul u samaynta Sool,Sanaag Iyo cayn oo Safiirka uu Bandhig Udhigay Qorshahii ugu Balaadhnaa.

Safiirka Dalka Soomaaliya ee dalka Itoobiya Cabdixakim xaaji cabdulahi cumar camey Ayaa Kulan Kulayeeshay Adis Sababa Ugu Horayntii safiirka Soomaaliya ee dalka Itoobiya ,waxaana uu kala Hadlay Qorshaha Dadka Sool,Sanaag Iyo cayn doonayaan Inay maamul Loo sameeyo,Isagoo safiirka U Sheegay Inay Gobolaasi Yahiin Kuwa xadka Ugu Dheer Itoobiya La Wadaaga.

Amaan Xumida Gobolaasi waxay samayn ku yeelanaysa Itoobiya Hadii Ana Wax laga Badalin Ayuu Amb Camey Usheegay Sida Ilo Goob Joog Ahaa Sheegayaan.

Dhanka Kale Safiirka Dalka Soomaaliya ee dalka Itoobiya Cabdixakim xaaji cabdulahi cumar camey Ayaa isku Dayaya Inuu Adis sababa iskugu Geeyo Siyaasinta,Iisimada Iyo Dadka Matlaya Khaatumo Iyo maakhir Si’Ay Go’aan Uga Wada Qaataan In Maamulkaasi Loo sameeyo Goboladaasi.

waxaa Ku Sugan Adis Sababa Wafdi ka Socda Maakhir oo uu Hogaaminayo Gudoomiyahii Xilka Laga qaaday Dhoobo dareed,Sidoo kale Waxaa Halkaasi Ku Sugan Siyaasin Khaatumo.

Dhanka kale Iisimada Khaatumo Ayaa Halkaasi Gaadhaya waxaana Si Hor Dhac U Ah Ku Gaadhey Garaad jamac Garaad cali Iyo wafdi uu hogaaminayo.

XOG Cusub:- Garaadka Gobollada SSC oo ubaxay Addis Ababa Xilli halkaas ay ku kulansan yihiin Cameey iy Dhooba-daareed.

Qorshahani uu wado Safiirka Dalka Soomaaliya ee dalka Itoobiya Cabdixakim xaaji cabdulahi cumar camey oo Lagu Tilmaamay Kii Ugu Xooganaa waxaa uu wacad Ku maray Inay maamul Loo Dhan yahay Gobolada u samaynayaan.

 

 

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com