CCWarsame “Lama Yaabani UMAL Waayo isaga iyo Fahad Yaasiin waxay kasoo wada dagaaleen Gedo Boosaaso iyo Araare waa isku koox”.

Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadajir C/raxmaan C/Shakuur Warsame ayaa si kulul uga hadlay hadal ka soo yeeray Sheekh Maxamed Cabdi Umal, kaasoo ka falceliyay dooda ka dhalatay fasiiradXadiis ka sugnaaday Nabigeena Muxamad (N.N.K.H)

Shiikh Umal ayaa C/raxmaan C/shakuur ku eedeeyey inuu dafiray Xadiis saxiix ah oo ka sugnaaday nebiga NNKH isla markaana uu ku been abuurtay culimada, isagoo taa badealkeeda amaan kala dul dhacaya haweenay gaalnimo ku waynaatey oo ula jeeday raisul Wasaaraha Jarmalka Angela Merkel.

Warsame oo arintaasi ka falceiyay ayaa yiri “Waxaan dhegaystay hadal uu Maxamad Cabdi Umal kaga falceliyey khudbad aan horay u jeediyey. Hadalka Umal wuxuu ku soo beegay caawa fiidkii, ka dib maanta duhurkii oo aan dadwaynaha Soomaaliyeed u caddeeyay ugana cudurdaartay wixii khalad ah ee hadalkaygii hore ku jiray. Waxaanse la yaabay in Umal uu si ula kac ah oo shakhsi ah ii lafa gaaray.Wuxuu igu tilmaamay: “Jaahil, eey oo kala ah, gaalo raac, Nebi diid ah, Diinta ka xuubsiibtay, dumarka cod si khiyaano ah uga raadsanaya.”

Isagoo sii hadlayay ayaa sidoo kale yiri “Umal wuxuu ka gaabsaday gabood falka iyo xadgudub ka madaxda haatan talada dalka haysa. Wuxuusan juuq ka oran dhiibistii Qalbidhagax, xasuuqii Baydhabo, cunaqabataynta shacabka Kismaayo, iyo weerarkii wiilasha ilaalada ii ahaa ee xarunta Xisbigayga lagu xasuuqay. U hiilinta Diinta ka mid maaha miyaa ilaalinta dhiiga Muslinka, dhowrista sharafkiisa iyo xuquuqdiisa?”

C/raxmaan C/Shakuur Warsame oo hadalkiisa sii wata ayaa dhinaca kale sheegay in Sheekh Umal ay isku Koox yihiin Taliyaha Sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo uu ku sheegay inuu yahay Milkiilaha dowladan.

“Lama yaabbani Sheekh Umal, sababta oo ah, waa ninkii na gaalaysiiyey markii aan heshiiskii Jabuuti galnay; waa ninkii gaalaysiiyey C/laahi Yuusuf; waa ninka Dawladdii Xasan Sheekh irdaha u taagnaa. Isaga iyo Xasan Daahir waxaa ay ilaalashadaan dawladda uu Farmaajo hoggaamiyo, sababtuna waa ay caddahay. Waa in Fahad Yaasiin oo ah madaxa xafiiska siyaasadda ee Xarakada Ictisaam oo ay soo wada galeen dagaalkii Araare, Gedo iyo Boosaaso uu dawladdaan milkiile ka yahay. Waxaa dhaqan u ah gaalaysiinta Muslimka, banaynta dhiigiisa iyo ku xadgudubka cirdigiisa”. Ayuu hadalkiisa ku sii daray Warsame.

Si kastaba, Sheekh Umal Waxaa uu nasiib daro ku tilmaamay in diinta oo lagu ciyaaro iyo axaadiista rasuulka oo la beeniyo laga dhigto jaranjaro lagu gaaro dano siyaasadeed iyo Kursi, isagoo C/raxmaan C/shakuur ku tilmaamay nin aan u qalmin inuu ummada hogaamiyo, wuxuuna ugu baaqay inuu ka towbad keeno qaladkaas uu galay ILAAHAY-na u soo laabto.

-----------------------------------------------------

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*