Ciidanka Badda Somaliland oo Howlgal lagu soo qabqabtay Ajnabi iyo Gaadiid ay wateen sameeyay.

Ciidamada Ilaalada Xeebaga Gobolka Awdal ee Somaliland ayaa gacanta ku dhigay Maraakiib shisheeye oo si sharci darro ah uga kalluumeysanayay biyaha Soomaaliya.

Maraakiibtan oo gaaraya ilaa afar Markab ayaa laga qabtay Xeebaha Magaalada Saylac ee Gobolka Awdal,waxaana gacanta ku haya Ciidanka Maamulka Somaliland.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Badda ee Somaliland ee howlgalka fuliyay ayaa sheegay in Maraakiibta ay la socdaan toboneeye qof oo fulinayay kalluumeysiga sharci darrada ah.

Afarta Markab ee lagu qabtay Xeebaha Gobolka Awdal ayaa waxaa laga leeyahay dalka Masar sida ay sheegeen saraakiisha Ciidanka ilaalada Xeebaha.

Biyaha Soomaaliya oo aan lahayn ilaalo xoog leh ayaa u nugul kalluumeysiga sharci darrada ah iyo weerarrada Burcad badeedda.

Hay’adaha Caalamka ee dhinaca Badaha ayaa sheegay in Kalluumeysiga sharci darrada ah ee laga sameeyo biyaha Soomaaliya sanadkasta laga sameeyo malaayiin doollar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here