DAAWO:- Beesha Warsangeli oo yeelatay Dareen dhab ah iyo Maamul usamaynta Gobolka Sanaag oo Bilaawday “Naxdinta Pland iyo Sland”

Magaalooyinka waawayn ee gobolka Sanaag waxaa si xowli ah uga socda Kulamo beesha Warsangeli ay aayaheeda uga tashanayso kuwaas oo ay doonayso in ay ka xurrowdo Fikirka siyaasadeed ee Maamullada Puntland iyo Somaliland.

Tan iyo wixii ka dambeeyay markii Puntland laga eryay Cabdixakiin Dhooba Daareed waxaa muuqanayay dareenka soo noolaanaya ee Beesha kuwaas oo hadda umuuqda in ay garteen aayahoodi dhabta ahaa.

Waxaa magaalada Xingalool ka socda Kulamadii ugu dambeeyay ee Maamul usamaynta Deegaanada ay Sanaag ka dagto Beesha Warsangeli, waxaana kulamadaasi horbooday isimada Gobolka oo uu wehliyo Cabdixakiin Dhooba Daareed oo la aaminsan yahay inuu yahay maskaxda ka dambeysay Ololahaan.

Waxaa la magacaabay guddi kumeel gaar ah kuwaas oo ka kooban dhowr xubnood oo laga soo kala xulay deegaanada Gobolka ay ka degto beesha Warsangeli.

HALKAAN KADAAWO GUDDIGA LA MAGACAABAY OO INOO WARAMAYA

____________________________________________________

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*