DAAWO:- Dad uu la tagay Daadka Roobka oo laga baadi goobayo Gobolka Sanaag.

Ganacsade Cawil Saalax Jaamac oo ku sugan degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag, ayaa xaqiijiyay in laba ruux lagu la’yahay, daadad xooggan oo ka dhashay, Roobab mahiiggaana oo todobaadyadii la soo dhaafay si xawliya uga da’ayey degmada Laasqoray nawaaxigeeda.

Ganacsadaha ayaa sidoo kale sheegay in daadadka ka dhashay roobabkaasi, ay gebi ahaanba burburiyeen, dhammaan waddooyinkii geli jiray degamada Laasqoray, oo sida uu sheegay haatan xaalad go’doon ah ku sugan, kadib markii ay dhinac kasta ka xayireen daadadkaasi.

HALKAAN KADAAWO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here