DAAWO:- Doonyo ku rogmaday Deegaano katirsan Gobolka Sanaag kadib Roobab iyo Dabaylo Garaacay Xeebaha Gobolkaasi.

Wararka ay heleyso Warbaahinta Marqaannews ayaa sheegaya in Roobab saacadihii lasoo dhaafay ka da’ay deegaano katirsan Xeebaha Gobolka Sanaag ay sababeen in ay dagaan Doonyo Kaluumeysi.

Sida inoola xaqiijiyay Afar Doon ayaa laga cabsi qabaan inay kudagaan Xeebaha Degmada Laasqoray maadaama ay awoodi la’yihiin in ay soo gaaraan Xeebta sababo la xiriira Roob iyo Dabayl Xoogan oo jira.

Sidoo kale Deegaanka Ceelaayo oo iyana katirsan isla Gobolka Sanaag ayaa la xaqiijiyay in ay kudageen Afar Doonyo oo Nooca Kaluumeysi ah kuwaas oo uu Maamulka inoo sheegay in aysan jirin dad saarnaa xilliga ay Dagayeen.

Gudoomiye Xigeenka Laasqoray Cabdillaahi Axmed Maxamuud ayaa inooga waramay khasaaraha guud ee ka dhashay Roobabkii ka da’ay Degmadaasi iyo Deegaanada ku dhaw ee Xeebaha Saaran

-----------------------------------------------------

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*