DAAWO:- Feysal Waraabe “”Dhoobo-Daareed iyo Ina Camay waxay doonayaan in ay Burburiyaan Somaliland”.

Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Somaliland UCID, Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ka digay maamul goboleed uu sheegay in dowladda Soomaaliya ka dhiseyso goboladda Sool, Sanaag iyo.

Faysal Cali Waraabe oo warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay in Dowladda federaalka Soomaaliya u kaashaneyso qorshahaas  Xildhibaan Cabdixakiim Dhooba Daareed iyo, afhayeenkii hore ee golaha wakiiladda Puntland iyo Amb Camay Madaxweynihii ku xigeenkii hore ee Puntland.

“Ma aqbali doono maamul goboleedkaas laga dhisayo bariga Somaliland,” ayuu yiri Faysal oo la hadlayay warbaahinta maanta oo Sabti ah. “Talaabadan waa mid lagu jarjarayo Somaliland,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Goboladda Sool, Ceyn iyo Sanaag ayaa waxaa muddo badan ku muransan Puntland iyo Somaliland oo maamulo kala duwan ay u joogaan.

Doobo daareed ayaa mudooyinkii dambe ku sugaa Gobolka Sanaag waxaana jiray warar sheegaya in halkaasi looga dhawaaqayo maamul loogu magac daray Maakhir State.

Dooba daareed ayaa dhawaan u duulay Magaalada Adis Ababa ee Caasimada Itoobiya, halkaas oo uu kula kulmay Eng Camay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Itoobiya.

Faysal Cali Waraabe"Dhoobo-Daareed iyo Ina Camay waxay doonayaan in ay Maamul-goboleedo Dhisaan Somaliland-na kala qaybiyaan"

Faysal Cali Waraabe"Dhoobo-Daareed iyo Ina Camay waxay doonayaan in ay Maamul-goboleedo Dhisaan Somaliland-na kala qaybiyaan"

Posted by SBC Somali TV on Saturday, December 7, 2019

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here