DAAWO:- Gabadh Muslimad ah oo gaartay heer aysan abid gaarin Dumarka Caalamka ‘Waa Tuma Zaha?”.

Waxa ay ahayd haweenaydii ugu horraysay ee ku guulaysata biladda u sarraysa ee la siiyo shakhsiyaadka guulaha sare ka gaara culuumta naqshadaynta dhismaha (Architecture). Sidoo kale waxa ay noqotay shakhsigii ugu horreeyay ee muslim ah ee billaddaas qaata. Tumay ahayd haweenaydii ugu guulaha badnayd uguna sarraysay cilmiga naqshadaynta dhismaha ee qarnigan 21aad?

Zaha Hadid waxa ay ku dhalatay magaalada Baqdaad ee wadanka Ciraaq sanaddii 1950-kii. Waxa ay ka dhalatay qoys carbeed oo dabaqad sare ku noolaa. Aabaheed waxa uu ahaa ganacsade iyo siyaasi. Waxa ay culuumta xisaabaadka ka baratay American University of Beirut.

Zaha waxa ay naqshadaysay dhismayaasha ugu caansan uguna quruxda badan caalamka, uguna qaalisan. Waxa la tilmaama inay gaarayaan illaa kun dhisme kuwa ay naqshadaysay. Haddii aynu soo qaadanno kuwa ugu caansan waxa kamida Madxafka Maxxi ee Rooma. Tiyaatarka cajiibka ah ee Guanzhou Opera House.

____________________________________________________

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*