DAAWO:- Hooyo Somaliyeed “Ninkeeyga 9sano ayuu ku xiran Yahay K/Kuuriya” Sheeko xanuun badan oo Murugo leh.

Nawaal Maxamed oo ah Hooyo Soomaaliyeed ayaa sheegtay in muddo sagaal sano ah Sayigeeda uu ku xiran yahay xabsi ku yaalla dalka Kuuriyada Koonfureed.

Hooyadan oo heysta inan ayaa sheegtay in Sayigeeda la xiray iyadoo gabar yar ah, welina ay sugeyso, waxaana ay intaasi ku dartay in loo heysto Burcadbadeednimo.

Sidoo kale Nawaal ayaa ugu baaqday dowladda federaalka inay ka caawiso, sidii uu xorriyaddiisa dib ugu heli lahaa ninkeeda oo muddo fog aynaan is arkin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here