DAAWO:- Hooyo Xaamilo ah iyo Caruurteeda oo ku dhintay Guri ku dumay Roobkii Hargaysa

Ugu yaraan Afar qof oo isku qoys ah ayaa waxaa ay ku dhinteen Guri ku dumay Magaalada Hargeysa kaddib markii Roob xoog leh ka da’ay Magaalada.

Dadka ku dhintay Guriga ayaa waxaa ay kala haayeen Aabbaha Guriga, Hooyadii iyo laba Carruur ah oo ay dhaleen.

Qoyska oo ka mid ahaa Dadka danyarta ah ayaa waxaa ku dul dhacay Guri Qaddiimi ah oo ku dhawaa Gurigooda oo aqal Soomaali ka sameysnaa sida ay sheegeen Saraakiisha gurmadka u fidiyay.

Ciidanka Dab damiska Somaliland ayaa Guriga ka soo saaray Meydadka afarta qof ee ku dhintay Guriga ku dumay Xaafadda Bir-jeex Hargeysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here