DAAWO:- Kenya oo Gobolka Gedo ka bilaawday hal arin oo dhaawici karta Sumcadda Farmaajo iyo Kheyre.

Xilli Muddooyinkii ugu dambeeyay xiisado siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan laga dareemayay deegaano katirsanb Gobolka Gedo ayaa waxaa dhinaca kale isa soo taraya dhaliisha iyo eedeynta loosoo jeedinayo Dowladda Kenya.

Korneyl Aadan Axmed Xirsi oo loo yaqaan (Rufle) waxa uu ka mid yahay saraakiisha ciidanka dowladda Somalia ee Gobolka Gedo waxa uu sheegayaa in Kenya garoon diyaaradeed ay ka dhisaneyso degmada Ceelwaaq ee Gobolkaasi.

Korneyl Rufle ayaa sheegay in Kenya dano ka dhan ah Qaranimada Soomaaliya ay ka leedahay dhismaha Garoonkaasi isla markaana ay doonayso in ay u adeegsato in ay kasoo dagaan Maleeshiyaad iyada u adeega.

Waxa uu ku baaqay shacabka in laga Feejignaado talaabadaasi isla markaana Dowladda Somalia laga doonayo in ay difaacdo Shacabka Gobolka Gedo.

____________________________________________________

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*