DAAWO:- Ma dhab baa in Maanta ay hakad galeen Dhamaan Duulimaadyadii garoomada Puntland? “Wasiir ayaa kahadlaya”.

Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada dowladda Puntland, Ilyaas Cusmaan Lugatoor (Gabiley), ayaa beeniyay warar lagu qoray baraha bulshada oo sheegayay, in dhammaan duullimaadyadii imaan jiray Puntland la joojiyay, kadib markii ay saameyn ku yeesheen roobabka dabaylaha wata.

“ Runtii, waxba kama jiraan Duullimaadyada Garoomadeenna iyo Hawadeennu waa caadi, saakana Air-boodhada diyaaraduhu way ka dageen. Subaxnimadii wax Air-boodh aan diyaaradihii tegi jiray ka wareejinay, waxaa jiray Air-boodhka Qardho oo roobabkii darted aan u wareejinnay Boosaaso.” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa xaqiijiyay, in saaka hal diyaarad oo ka degi lahayd Garoonka magaalada Qardho, loo wareejiyay dhinaca Garoonka Boosaaso, kadib markii uu roobku saamayn ku yeeshay, maadaama Garoonka Qardho uusan laami ahayn oo jileec laga dareemay.

Mudane Gebilay, ayaa sidoo kale sheegay in Sabtida maanta ah Garoonka Diyaaradaha Garoowe, ay si caadiya Duullimaadyadu uga socdeen, wixii ka horreeyay 11:00 Am, balse ay gelinkii dambe hakad yar uu ku yimid Duullimaadyaaasi, kadib markii roobku sii xoogaystay.

HALKAAN KADAAWO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here