DAAWO:- Mid kamid ah Culimada ugu waawayn Puntland oo Qaraxii Muqdisho ku eedeeyay Mucaaradka DFS.

Tan iyo wixii ka dambeeyay markii dadka badan lagu laayay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee maalin kahor kadhacay Caasimada gaar ahaan Isgoyska Ex-Koontorool Afgooye ayaa waxaa isa soo tarayay shakiga laga qabo cida ka dambeysay ama soo abaabushay Weerarkaasi Xasuuqa ah.

Mid kamid ah culimada ugu waawayn Puntland oo Muuqaal iska soo duubay ayaa sheegay Cambaareyn iyo Tacsi kadib in masuuliyadaasi qaraxaas ay ka dambeeyay Kooxaha Siyaasad ahaan u mucaaradsan Dowladda Somalia, isagoona sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid loogu talagalay in lagu xasuuqo shacabka.

Wadaadkaan oo lagu magacaabo Sheikh Daahir Aw-Cabdi ayaa sheegay in qaraxaasi uu ahaa mid siyaasadeysan isla markaana ay ka dambeeyeen kooxaha Mucaaradka iyagoo doonaya in ay Fashiliyaan Dowladda Somalia.

https://youtu.be/jswG1XBFHQQ

 

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com