DAAWO:- Odayaal kusugan Miyiga Nugaal oo si Murugo leh uga hadlay Waxyeelo kadhashay roob ka da’ay Deegaano kala duwan.

Degaano ka tirsan Puntland ayaa waxaa saacadihii la soo dhaafay ka da’ayay roobab mahiigaan kuwaas oo watay dabeylo, Waxaana Roobabka qaar ay sababeen daadad xooggan oo ku soo rogmaday qaar ka mid ah waddooyinka waa weyn ee deegannada Puntland, taasi oo iyana sababtay in uu hakad galo isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

Deeganada  uu  sameyay roobabkan daadadka wata ayaa waxa kamida  deegaano hoose taga  Degmada DANGORAYO  taas oo lagu magacaabo Baqbaq.

Mid kamid ah  odayasha kusugaan tuuladaan oo la hadlay Marqaannews ayaa waxa uu Faahfaahin kabixiyay Roobabkii da’ay saacadihii lasoo dhaafay iyo Saamaynta ay reebeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here