DAAWO:- Puntland oo si guud uga hadashay Khasaarihii ka dhashay Roobabkii ka da’ay 9keeda Gobol “Burbur badan ayaa jira”.

Maamulka Goboleedka Puntland ayaa xaqiijisay in ilaa hadda la xaqiijiyay dhimashada hal qof iyo bur burka Guryo, Taawarro Isgaarsiineed iyo Doomo kalluumeysi kuwaas oo Duufaanta iyo Roobka ku heleen Xeebaha Gobollada Nugaal, Bari iyo Sanaag.

Wasiirka arrimaha gudaha Dowlad Goboleedka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa sheegay in Doon ku degtay Xeebaha Degmada Caluula uu ku dhintay hal qof.

Waxaa kale oo uu Wasiirku sheegay in Xeebta Degaanka Ceelaanyo ee Gobolka Sanaag afar Doon kalluumeysi la tagtay Badda markii ay biyaha badda sare u kaceen.

Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa sidoo kale sheegay in Xeebta Degaanka Garmaal ee Gobolka Nugaal Daadku qaaday xoolo ay la haayeen ilaa lix qoys oo ku sugnaa degaankaas.

HALKAAN KADAAWO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here