DAAWO:- Somaliland oo ku Naxday Dagaalkii Xalay Coll.Caare uu ku qaaday Ceerigaabo “Hurdada ayuu naga jafay”.

Taliyaha Ciidamada Somaliland ee Gobolka Sanaag Cabdirisaaq Maxamed Faarax oo shir jaraa’id qabtay ayaa faahfaahin ka bixiyay Dagaal xalay lagu qaaday saldhig Ciidanka Somaliland ay ku leeyihiin Magaalada Ceerigaabo.

Dagaalka xalay oo dhacay abaare 1dii iyo Daqiiqado ayaa waxaa qaaday Maleeshiyaad katirsan Jabhadda uu hogaamiyo Coll.Caare, waxaana dagaalka uu socday muddo saacado ah.

Taliyaha ayaa sheegay in dagaalka uu ahaa mid ka nixiyay shacabka magaalada balse aanu gaysan wax khasaare ah isla markaana ciidankooda ay iska difaaceen Duulaankii uga yimid Jabhadda Dulmidiid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here