DAAWO:- Somaliland oo Lacag ku Xukuntay Ganacsato Imaaraati ah “Dambi Nuucee ayay Galeen?”.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka Somaliland oo shir jaraa’id xafiiskiisa ku qabtay ayaa xukun aan horay loo arag ku riday Muwaadiniin udhashay Dalka Imaaraadta Carabta kuwaas oo lagu soo eedeeyay in ay galeen Dambiyo waawayn.

Agaasimaha ayaa sheegay in Ajnabigaan la xukumay ay galeen dambi ah in ay laayeen ugaar kunoolayd Deegaanada Somaliland isla markaana sidoo la xukumay shirkadii dalka keentay Ragaan la xukumay.

Agaasimaha ayaa sheegay in Hay’ad Khaeyri ah ay dalka soo gelisay ragaan isla markaana la arag sawiro lasoo qaaday ay muujinayaan Ragaan oo si xun udilaya mid kamid ah Ugaarta Somaliland.

Dhinaca kale waxa uu sheegay in ay xireen oo ay xabsiga dhigeen madaxda hay’adda iyo raggii dambi galay kuwaas oo ugu dambeyn ay ku xukumeen Ganaax lacageed oo uu carabaabay.

HALKAAN KADAAWO

____________________________________________________

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*