DAAWO VIDEO Sir La Helay Somaliland Warqad U Qortay Farmaajo Iyo Calamka In Arin Faderalka Laga Qeyb Galiyo

Maamulka Soomaliland Ayaa Dowlada Faderalka Iyo Beesha Calamka U Dirtay Codsi yaab leh,Kaasi oo Noqonaya In Shirarka Dowlada Faderalka iyo Meesha Caalamka Laga Qeyb galiyo .

Gar Ahaana Shirarka Dayn cafinta Soomaaliya Inay Beesha Caalamka Ka Qeyb Galiso Maamulka Soomaliland Arintani oo Noqonaysa Markii Ugu horeyey ee Beesha Caalamka Codsato In Shirarka Faderalka Ka Qeyb Galaan.

Halkani Riix Video Hoos

https://youtu.be/YKGT6uMxDzk

 

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

7 Comments

  1. *** ANAGU ‘NEW YEAR’ NOO MA AHA EE SALAAMUN CALEYKUM AKHYAARTAAY ***

    Waxaan fursaddan qaaliga ah uga faa’iidaysanayaa in aan halkan salaamo kal iyo laab ah uga diro dhammaan asxaabta Marqaan News ku xidhnaa, gaar ahaan:

    1. Bahda Marqaan News
    2. Sacaadatul Suldaan Dab La Ridey (Allaah Yakramuhu)
    3. Suldaan Cadnaan (Adnan)
    4. Afhayeenka SNM iyo Jaalkayga Ahmed SNM
    5. Ina Boqortooyo, Gabar Harti
    6. Abaanduulaha SSDF iyo Jaalkayga Atoore
    6. Caaqillada Kayse iyo Cali

    Iyo shuftada kale ee xerta nagu shiidda ee mooryaanta u badan.

    War heedhahaya, MA XAAQATAA IDIN HALEESHAY? MISE GAM BAYDUN ISKA DHIGTEEN?

    Waa maxay meeshan sidan u abaarowday???

    • Cismaan Cawad

      Waar nin yahow horta waan ku salaamay. Inkastoonu kani aheyn sanadkeenii hadana Sanad Wanaagsan ayaan ku leeyahay.

      Sxb sidaad meeshan uga nasatayba dabadaa waxay isku rogtay xero sheydaan oo kun qof oonan hore u aqoon ayaa iska soo dabo galay. Magacyada oo sida dharka loosoo bedesho. Meeshiiba wey xadhko beeshey.

      Dadkii meeshan lahaana wey is bedeleen ayaan u maleynayaa waayo xitaa qoraalkii ayaa is bedelay oo waxay noqotey ka dar oo dibi dhal. Akhyaartiina midh midh ayay uga faro laabatay meesha. Dab La Riday ayaa sii yara bakhti afuuf is yidhiyoo isna markuu waayay cid nah leh oo la kaftana ama la jaafaajiriqleysa ayaa danihiisa u foof tegay. Anna markaan arkay in meeshiiba kharibantay ayaan sidii maahmaahdii Diinka ee aheyd, ‘Afaan doog ku cunay, cows ku cuni maayo’, ayaan idhi, meel aal akhyaar macruuf ah kula loolami jirey, iga waloon cayoyaan kula galgalan doonin.

      Imikaan is idhi waar bal meeshii soo yara fiiri bal inaad aragto cid Sanadka cusub owgiis isu soo xilqaantay oo Salaamu Calaykum soo tidhi. Dabadeedna adaaba igu soo baxay.

      Nin yahow kheyrbaan kuu rajeynayaa meel walba ood joogto. Illaahayna ha’ina wada xafido dhamaanteen.

  2. Akhyaarta Dhamaantiin waxaan idin leeyahay Sanad Wanaagsan. Bashbash iyo barwaaqo ku negaada meel walba ood joogtaan.

    Taajka Maakhir, Dab La Riday, Barwaaqo, Xaaji Saalax, sOmalilander, Mingistume, Atoore, Somali, Gabar Harti, Hibo iyo inta kale een ka tegay iga raali ahaada magacyadii wey iga yara kala dhumeene.

  3. @ Ahleen Ahmed,

    War halgamoow faallo yaab leh ayaad iga siisay beerteenii aan iyada oo doog ahayd uga soo dul dhacay ayada oo ban isu rogtay. Adiga oo beebee SNM ah ku lalaya ayaa iigu kaa dambeysay kkkkkkk. Anigu Kenya miyigeeda ayaan sanad badhkii ku soo maqnahay oo ay hawlo igaga cakirmeen ay geeri iyo xanuunno ba isugu jiraan.

    Suldaan Dab La Ridey isagu taleefoon baanu had iyo jeeraale iskaga war haynaa oo wallaahi isaga ayaa weliba aad isugu xilqaamay in uu xidhiidhkeenu socdo in kastaa oo ay meeshu tahay eeri go’an aan network ba lahayn. Waxaa Kenya iiga muuqda burbur dhaqaale oo dagaal sokeeye sibiq ku dhalin kara sida wax uga dhacayaan. Allaha se ha ka qabto. Afrika duunyada ay ku fadhido iyo isma leh dayaca ku hagoogan runtii.

    War waan ku salaamay mar kale jaalle Ahmed in kasta oo aanan weli si joogto ah Marqaan u soo gali karin meesha aan ku sugunahay. Maan-ka-dirirka iyo fadhi-ku-dirirka ba halkoodii ha laga sii wado dee akhyaartaay. Waad wada salaamantihiin.

  4. Waa war been ah hadii warkaasi dhab yahay mucaaridka Somaliland ayaa cirka u qaadi lahaa iyo maamulka Fidmomaajo markaa beenta umada ka daaya iyo dacaayada rakhiiska ah

  5. @Taajka Maakhir

    Aadbaanu uga xumahay arinta cakiran ee kula soo deristey. Geeridana samir iyo iimaan Alle hakaa siiyo caafimaad degdeg ahna Illaahay ha siiyo intii buktaba. Arimaha cakirana Illaahay hakuusoo fududeeyo. Kheyr baan kuu rajeynayaa sxb.

  6. @ Mudane Ahmed,

    Yaa akhii Allaah Yacizzak Fiddunyaa Wal Aakhira. Saaxiib saafi ah iyo shakhsiyad xariir ah in aad tahay ayay wallaahi jawaabtaadu marag ka tahay.

    You had me covered in goosebumps with your deeply touching words of sympathy and condolences Ahmed. I didn’t see that coming and you’ve proven me wrong in the impression I hitherto had of you. A genuine northerner and a true brother.

    Merci beaucoup mon frère!

Comments are closed.