DAAWO:- Waa imisa Askarta Puntland ka goosatay ee shalay lagu soo bandhigay Degmada Taleex? Ma Dhab baa…

Ciidamo 150 Askari ah oo ka tirsanaa Puntland ,fadhigooduna uu ahaa God-qaboob Gobolka Sool , ayaa u wareegay dhanka Somaliland , waxana Magaalada Taleex soo dhaweyn ugu sameeyey Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Koore .

Taliyaha Ciidankan oo hadlay ayaa yiri “Waxaanu ka soo wareegnay Jabhadda Puntland oo aanu ka tirsanayn 21 Sano , waxana u soo wareegnay Jamhuuriyadda Somaliland maanta , kuwa kalana waa soosocdaan ”

Wasiirka Hormarinta Biyaha Somaliland balse shalay loo magacaabay wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in ay jiraan ciidamo badan oo daneynaya in ay kasoo go’aan Puntland kuwaas oo hadda xiriiro lasoo sameeyay Maamulkooda.

Majiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha Ciidamada Puntland oo kusaabsan sheegashada Somaliland ee ah in Ciidamo kasoo goostay maamulkaasi ay kubiiren Somaliland, Balse waxay arintaan kusoo aadaysaa xilli Waayihii u dambeeyay dhaqdhaqaaqyo laga dareemayay deegaano katirsan Gobollada Sool iyo Sanaag.

HALKAAN KADAAWO

____________________________________________________

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*