DAAWO:- Warbixin cusub oo laga soo saaray Khasaarihii ka dhashay Duufaantii ku dhufatay Puntland iyo Somaliland.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dabaylihii iyo roobabkii toddobaadkii hore ku dhuftay degaannada xeebaha Waqooyi Bari ee Soomaaliya ay ku dhinteen lix qof.

War qoraal ah oo ay soo saartay Qaramada Mioobay ayaa lagu sheegay in degaannada ku yaalla Gobollada Bari iyo Nugaal ay dad ka badan 32 kun oo qof ay dabaylahaasi ku waayeen waxyaabihii noloshooda ay ku tiirsanayd.
Waxay sidoo kale sheegtay Qaramada Midobay in dabaylahaasi barakiciyeen 4,800 oo qof .

Sidoo kale waxay dabaylaha iyo roobabka duufaanta Pawan ay burburiyeen beero, guryo, waddooyin iyo kaabayaal kale, gaar ahaan magaalooyika Eyl, Bandarbayla, Caluula iyo Laasqoray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here