DAAWO:- Wasiir Sabarey oo Jawaab Cajiib ah siiyay Somaliland “Dhulbahante haku wareerina”.

Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Puntland Cali Axmed Sabarey ayaa beeniyay in ciidamo katirsan Puntland oo ku sugnaa degmada Taleex ee gobolka Sool ay ku biireen dhinaca Maamulka Somaliland.

Wasiirka warfaafinta oo Garowe kula hadlay warbaahinta maxaliga ah, ayaa sheegay ciidamada lagusoo bandhigay Taleex inay yihiin maleyshiyo beeleed loo galiyay dareeska ciidanka oo horay halkaasi ku sugnaa.

Sabarey ayaa hadalkiisa ku daray inaanay jirin awood xilligaan Somaliland kula wareegi karto ciidamadooda, isagoo tilmaamay Somaliland gudaheeda inuu ka jiro jahweerar siyaasadeed.

____________________________________________________

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*