DAAWO:- Xarumo lagu faafinayay Diinta Kirishtaan oo kuyaal Somaliland ayaa markale lasoo ogaaday.

Wararka inaga soo gaaraya deegaanada Somaliland ayaa waxay sheegayaan in albaabada loo laabay guryo la sheegay in lagu faafinayay Diinta Kirishtaanka.

Guddiga Wanaag-farista iyo Xumaa-reebista soomaaliland ayaa sheegay inay xireen 9 Guri oo loo kiraystay Faafinta Diinta Kiristaanka isla-markaana ay Masaafuriyeen Dadkii hawshaa ku jiray.

Sheekh Cali Maxamuud oo ka mid ah xubnaha Guddiga wanaag-farista iyo Xumaan reebista Somaliland oo ka hadlayey Munaasibad Guddigu ku soo bandhigeen waxqabadkooda ayuu ku sheegay inay wax weyn ka qabteen Dadkii caadaystay inay Caayaan Diinta iyo Ilaahay, illaa xilligii la, aasaasay Guddigaasna ay arrintaasi yaraatay.

https://youtu.be/FQO0UTEYT_Q

 

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com