Deg-Deg:- Puntland oo Digniin kasoo saartay Duufaano kusoo wajahan qaar kamid ah Xeebaheeda.

Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada DPL waxay shacabka Puntland uga digaysaa roobab wata dabaylo oo ku soo wajahan xeebaha Badweynta Hindiya (Garacad, Eyl, Suuj, Bayla) gaarina kara gobollada oo dhan maalmaha Arbacada, Khamiista iyo Jimcaha.

Duufaantaan oo magaceeda la yiraahdo SIX ayaa wax yeelaynkartaa dadka, xoolaha, beeraha, iyo agabka kalluumaysiga. Haddii ay fariintani ku soo gaarto, fadlan sii gaarsii bulshada inteeda kale.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here