DEG DEG Sarkaal Sucuudi Ku Tababaranayey Maraykanka oo dad Badan Diley Trump Afka Furtay

Sarkaal Muwaadin Sucuudiga ah oo Tababar U Joogey Mareykanka si loogu  tababaro milatariga ayaa ahaa tuhmanaha weerarkii toogashada ee lagu qaaday saldhig ciidamada badda Mareykanka ay ku leeyihiin Florida, kaas oo ay ku dhinteen afar qof oo uu ku jiro nin hubeysan, sida ay sheegeen saraakiisha Mareykanka Jimcihii.

Saddex qof ayaa la dilay  subaxnimadii Jimcaha ee saldhig milatari Florida, nin hubaysan oo ka yimid Sacuudi Carabiya Ayaana ka Danbeeyey, Siday Sheegeen Masuulinta Maraykanka. Ninkani oo ahaa sarkaalkii 2-aad ee ciidamada Cirka ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa sidoo kale dhintay siddeed qofna dhaawacay.

Tuhmanaha ayaa rasaasta u adeegsaday toogashada, kaasoo ka dhacay laba dabaq oo ku yaal dhisme fasal oo ku yaal saldhig ay shaqadiisa ugu weyni tahay tababar, saraakiisha ayaa sidaas yidhi.

Is rasaasayn Dhex Martay Ragaasi Sucuudiga Iyo Ciidamaa Maraykanka Ayaa Sababtay weerarkii baaxada badnaa ee ka dhacay Saldhigga Naval Air Pensacola Kaasi oo Ah  xarun tababar caalami ah oo ay Hayso Ciidamada Badda Mareykanka. Ninkani Sarkaalka Sucuudiga oo Lagu Magacabayey Mohammed Alshamrani wuxuu halkan ku qaadanayay tababbarka duulimaadka ee saldhigga ku yaal Pensacola-qayb ka mid ah barnaamij aad u caan ah oo ka tirsan xubnaha ciidamada cirka ee Sacuudiga.

-----------------------------------------------------

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*