DEG DEG;Gudoomiye Dhoobo oo Garoowe Kusoo laabtay Goordhow Iyo Xog xaasasi Xaalada

Gudoomiyihii Hore Barlamaanka maamulka Puntland Cabdixakiim Dhoobo daareed ayaa Maanta Ka duulay Garoonka Diyaaradaha Ee Caasimada Garoowe,

Dhoobo daareed, ayaa tan iyo markii xilka laga qaaday oo hada laga joogo mudo Bil ah waxaa uu safarkii ugu horeeyay Ku yimid Garoowe oo uu isla maanta ka duulay,

Dhoobo Daareed oo ku sugnaa Muddo Bil ah Deegaanada Beesha warsagali ayaa Hada safar shaki badan leh u baxay.

Safarka dhoobo Daared ayaa waxaa ka soo baxaya warar kala duwan.

Wararka qaar ayaa shegaya in uu Dhoobo Daareed ku wajahan yahay Caasimada Dalka itoobiay Adis Ababa, halkaas uu kula kulmaayo xubno kamid ah Maamulka Somaliland,

Dhanka kale wararka isla Safarkan ka soo baxaya ayaa sheegaya in Dhoobo Daareed ku wajahan yahay dhankaas iyo caasimada soomaaliya ee Muqdisho,

Wax war ahi kama soo Bixin dhanka dhoobo daareed oo ku aadan Safarkiisan,

Safarkan dhoobo daareed ayaa kusoo beegmaya xili ay jirtay hadal hayn ah in xukumada xamar lawado Dhoobo Daareed Olole ka dhan ah puntland islamarkaana waxaa uu safarkani mar kale kusoo beegnaya xili ay soo baxayan warar sheegaya in somaliland Dalab ah in uu isku soo dhiibo ay hor dhigtay Dhoobo Daareed,

-----------------------------------------------------

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*