Degdeg DAAWO:- Nabadoonkii Lixaad oo lagu xidhay Boosaaso “Xog kusaabsan qaabka loogu dhacay Gurigiisa”.

Wararka ay heleyso Shabakadda Caalamiga ah ee Marqaannews ayaa waxay sheegayaan in Ciidamada Puntland ay gelinkii dambe ee Maanta xabsiga Dhigeen Nabadoon Caan ah kaasi oo kamid ahaa Nabadoonada sida wayn looga yaqaan Gobolka Bari.

Ciidamada ayaa xabsiga dhigay Nabadoonkaan oo lagu magacaabo Cabdicasiis Baydhabo, Kaasi laga soo qabtay Hooyga uu ka dagan yahay Magaalada Bosaso, Kadib markii ciidamo hubaysan ay tageen.

Nabadoon Cabdicasiis Baydhabo ayaa ka mid ahaa Nabadoono ka qeyb galay kulan ka dhacay Boosaaso oo lagu dhaliilay xukuumadda uu hogaamiyo madaxweyne Deni.

____________________________________________________

Sharing is caring!

Aragtidaada Noogu Soo Dir

Emailka:Saxafi12@gmail.com

 

1 Comment

  1. Meeshii Puntland ahayd ma Hargeysa iyo North Korea ayay noqotay maxaa loo xirxirayaa odayadan oo ay galabsadeen ma dadka iyo deegaanka yaan la xaraashin oo hantida ummada ha la ilaaliyo iyo amaanada ayaa dembi noqotay oo ay jawaabteedii noqotay car waa ninkii hadlaa? Ilaa iyo goorma ayay shaqeyneysaa xukunka noocaan ah bal adba.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*